Dhageyso:-“Anaga iyo Maamul Goboleedyada ayaa la dagaallamaya Al-Shabaab”Farmaajo”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamed Cabdulalahi(Farmaajo) ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay awood buuxda siin doonto Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada xiligaan dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in iyaga iyo dowlad Goboledyada iska kaashaan doonaan la dagaalanka Al-Shabaab kordhinta dhaqaalo uu yeesho dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sidii Mashruucyo Shacabka waxtar u leh kuwaas oo guud ahaan laga hirgeliyo.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu  sheegay xili shalay Magaalada Kismaayo uu kulan kula qaatay Masuuliyiin uu horkacayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media