DHAGEYSO: AMISOM oo Bur Burisay Warshadda Dharka ee Balcad

Kolanyo ay wateen ciidanka AMISOM ayaa la sheegay inay burburiyeen Warshadda Dharka ee degmada Balcad, oo la sheegay inuu jiiray mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha guddiga maamulka iyo nabad galyada WarshaddaTahliil Axmed Ayaanle        ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey warkaan, waxaana uu sheegay in AMISOM waxyeelo ay gaarsiisay dhismaha Warshadda, oo uu tilmamay in Toban mitir uu jabiyey gaari ay leeyiin ciidanka AMISOM.

Tahliil ayaa tilmaamay in falkaas markii ay geysteen ciidamada AMISOM ay isga tageen goobta, iyagoo aan la hadlin maamulka Warshadda.

Warshadda dharka ee Balcad ayaa ah warshadda kaliya ee bad qabta, kana mid ah warshadihii dalka ka shqeyn jiray, waxaana gacanta ku hayaa oo ilaaliya muwaadiniin Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media