Dhageyso:-Amar ka soo baxay Maamulka Gobolka Bari oo Dhaqangalaya

Go’aan ka soo baxay Maamulka Gobolka Bari Puntland ayaa lagu mamnuucay in mudo 40 Maalmood ah ay Xoolaha daaqin Dhul ku fiican daaqsinka oo ku yaala deegaano ka tirsan gobolka Bari xili weli abaar ay ka jirto Puntland.

Deegaanada laga mamnuucay in ay Xoolaha daaqaan ayaa waxaa kamid ah deegaaanda Iskushuban iyo Daruur ee Gobolka Bari arintaas oo markii hore ay fikirkeeda ay la haayeen Odayaasha Tuulooyinkaas.
Maamulka Gobolka Bari War ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Neefkii daaqa dhulkaas ay mamnuceen in dadkii Xoolahaas ama Neefkaas lahaa talaabo laga qadi doono lana ganaaxayo.
 Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari Puntland Axmed Cali Cabdullahi(Ciro) ayaa War-Baahinta u akhriyay Warka ka soo baxay Maamulka gobolka Bari.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media