DHAGEYSO: Amaanka Magaalada Baraawe oo Aad loo Adkeeyey

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in amaanka aad loo adkeeyey, xilli habeen ka hor magaaladaasi, uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo weerar ku  qaaday degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre jeex oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay xoojiyeen amaanka, si looga hortago falalka amaan dari ee magaaladaas, waxaana uu tilmaamay inay heegan buuxa galiyeen, ciidamada oo ay ka feejiganyihiin weerarada Al-shabaab.

Gudoomiyaha waxaa kaloo uu xusay inay ciidamo keeyeen meelaha qaar ee magaalada ujeedaduna ay tahay inay ka hortagaan falalka amaan darri ee Baraawe.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media