DHAGEYSO: Alshabaab oo Haweeney Ku Dilay Degmada Mahadaay

Wararka naga soo gaarayo degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in lagu dilay haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Safiyo Muxumed Maxamuud.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey dilka Haweeneydaas oo 45-tan jir ahayd, waxaana uu sheegay inay ahayd xaaska askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xalay ayaa la sheegay inay ciidama ka tirsan Alshabaab ay gurigeeda kala baxeen Safiyo oo si aad ah looga yaqiinay degmadaas, islamarkaana toogasho ku dilay isla gudaha degmada.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media