DHAGEYSO: Maamulka Hirshabeelle oo Dowldda ugu Baaqay inay Keyd Daawo ah Ka Sameyso Shabeellaha Dhexe

Wasiirka caafimaadka daryeelka, hooyada iyo dhalaanka maamulka Hirshabeelle Axmed Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay inay xaalado caafimad ka jiraan deegaanada maamulka, islamarkaana cudurka shubanka uu sameyn ku hayo dadka ku dhaqan gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dowladda, gaar ahaan wasaarada Caafimaadka inay keyd daawo ah ka sameyso shabellaha dhexe, si wax looga qabto dhibaatooyinka cafimad ee ka jira deegaanada maamulka hirshabeelle.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka