Tahriibayaal Somali oo lagu qabtay xero ku taalla caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa sheegtay in dad socoto Afrikaan ah oo ku noolaa Xero ay ka samaysteen Waqooyiga magaalladda Paris  in lagu qabtay hawlgal ay ciiddanka Faransiiska ku qaadeen goobtaasi.

Tahriibayaal lagu qiyaasay 200 oo qof ayaa ku nool Xeradaasi, kuwaasi oo rajo ka qabay inay u socdaalaan dalka Britain ama dalalka loo yaqaano Scandinavia Countries.

Boliska waxay tobaneeyo gaari ku xireen deegaanka ay Qaxootiga deggan yihiin, iyadoo Khubaro loo diray si ay Qaxootiga ugu wargeliyaan in ay oggolaadaan inay ka guuraan Xeraddaasi.

Boliska waxay qaadeen hawlgal ballaaran oo ay ku nadiifinayeen goobta ay Xeradda ku taallo, oo ay ku nool aayeen in ka badan 350 Qaxooti, badankooda u kala dhalatay dalalka Somalia, Masar, Sudan iyo Eritrea.

Boliska ayaa la sheegay inay Qaxootigaasi u gudbiyeen xerooyinka lagu hayo dadka Muhaajiriinta ee sharci-darradda ku jooga dalka Faransiiska.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor