Dhacdo Xanuun Badan: Gabar yar oo lagu dilay Buulo-xuubeey

Sitra Cabdiwahaab Cawil Bootaan waxa ay ahayd gabadh 7 jir ah oo caqli iyo maskaxba rabbi ku galadaystay, waana da’da labaad ee qoyska reer Cabdiwahaab oo ka koobnaa 3 carruur ah kahor sitra. Galinkii danbe ee maanta Sitra oo taagan gurigooda hortiisa xaafadda Buulo Xuubey waxa haleelay rasaas ay fureen rag ku labisan dharka ciidanka oo watay gaari dusha ka furan. Nasiib darro Sitra markii cusbitaalka la geeyay ayay naftu ka baxday.

Kooxdii dilkan arxandaradda ah gaysatay uma istaagin ilamaha yar ee ay dileen, waxayse iska sii wateen socodkooda.

Sitra inkastoo waayahan aanan arkin haddana waan la ilmeeyay geerideeda.

Cabdiwahaab iyo Hani oo ah labada waalid ee ay Sitra ka baxday si gaara ayaan ugu tacsiyeynayaa, ILAAHAY samir ha idinka siiyo, qalbiyadiina ha qaboojiyo, badal khayr qabana ha idinku deeqo. Aamiin

Warbixintan waxaa bartiisa facebook ku so qoray wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim oo aan ka soo xiganay balse bahda Radio Dalsan waxey soo gudbin doonaan wareysi aan ku raadin ay qoyskeeda iyo ehelkeeda oo ka sheekeyn dooonaa sida arxan darada ah ee loo dilay gabadhaas yar.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media