Dhacdo Naxdin Leh oo ka dhacday Wajeer: Nin xaaskiisa Toorerey ka geliyey dhabanka.

Lammaane lagu kala magacaabo Maxamed-deeq iyo Fatumo Ibraahim oo ku wada noolaa Deegaanka Khorof Harar ee Degmadda Wajeer ayaa lagu soo waramay inuu xalay dhex maray muran ugu dambeyntii sababay inuu Ninkii Tooreey dhabanka ka geliyo Xaaskiisa oo 4 carruur u dhashay.

Nin la dhashay Eedeysanaha ayaa isku hawlay inuu Lammaanaha dhexdhexaadiyo ka hor inta aan la dooxin Haweeneyda, balse waxaa dhacay falka Tooreynta.

Waxa uu cararay Saldhigga Boliska si loo caawiyo, waxaana la soo siiyey Gaari Ambalaas iyo Ciiddan, kuwaasi oo haweeneydii dhaawaca ahayd ula soo cararay Isbitaalka Guud ee Wajeer.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Guud ee Wajeer wey ku guuleysan waayeen inay Haweeneyda ka saaraan Tooreyda laga dusiyey Dhabankeeda, waxayna sheegeen in Tooreyda xubno khatar ah dhex taallo,sida laga dheehan karo Raajada (X-Ray)-da la saaray.

Haweeneyda Dhibanaha oo 32 jir ayaa la qorsheynayaa in loo soo duuliyo Nairobi, si ay Dhakhaatiirta Isbitaalka Kenyatta National Hospital wax uga qabtaan dhaawaceeda oo ay Dhakhaatiirta Wajeer ku tilmaameen mid halis gelin kara nolosheeda.

Dhinaca kale, Boliska Wajeer Galbeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninka sida xun u dhaawacay Xaaskiisa, waxaana la filayaa in berrito la soo maxkamadeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Falka noocaasi ayaa u muuqda mid laga argagaxo, waxaana habboon inay ragga u samraan Xaasaska, oo aan lagula kicin falal wax u dhimayo Noloshooda, laguna muteysan karo Ciqaab Adduun iyo mid Aakhiro.

Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan 

Xigasho: The Star

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor