Dhaawacii Liibaan Madaxweyne oo dib loogu celiyey Dhuusamareeb.

Ilo-wadareedyo ku dhow Madaxda Ahlu suna Wal-jameca ee Maamulka Goballadda Dhexe ayaa xaqiijiyey in Liibaan Maxamuud Madaxweyne oo  ku dhaawacmay iska horimaadkii Arbacaddii hore ka dhacay magaalladda Dhuusa-mareeb lagu soo celiyey Dhuusamareeb, kadib, markii ay suurtogeli weyday in loo qaado dalka Ethiopia, si loogu soo daaweeyo.

Afhayeenka Maamulka Goballadda Dhexe, Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay inay Dowladda Federalka diiday in Sarkaalkaasi loo qaado Ethiopia, isla markaana ay ku baaqday in lagu soo wareejiyo, maadaama uu Dembiile Qaran yahay.

Waxa uu intaasi ku daray in qorshuhu ahaa in Liibaan Madaxweyne laga qaado Saldhig ku yaalla Degaanka Feerfeer, balse ay Dowladda Federalka la xiriireen Dowladda Ethiopia, oo ay ka codsadeen in la hakiyo qaadistiisa, laguna soo wareejiyo.

Liibaan Madaxweyne oo dhowr bilood ka hor ka goostay Ciiddanka Dowladda Federalka ayaa la sheegay inay xabbadi  kaga jirto sinta oo ka jabtay.

Dhinaca kale, ma jiraan war rasmi ah oo ay Dowladda Federalka ka soo saartay Sarkaalkaasi.

©Radio Dalsan