Gabar Weriye ah oo ka Shaqaysa Warbaahinta dawlada oo la dhaawacay

Warar aan Goordhow helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gabar Wariye ah oo ka Shaqeyneysay Warbaahinta Dowladda lagu dhaawacay Magalada Muqdisho.

Gabadha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Farxiyo Mire Maxamuud,waxana la sheegay in Ninhubeysan ay laba xabadood ku dhuftay xilli ay ku sugneyd meel u dhow isgoyska Dabka,isla markaana mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho loola cararay.

Gabadhan Wariyaha ah ayaa waxa ay ka howlgashaa Radiyaha iyo Tv-ga Qaranka Soomaaliya,waxana wararku sheegayaan in Gacanta lagu dhigay Ninkii ka dambeeyey dhaawaca Gabadha Wariyaha ah ee ka howlgaleysay Warbaahinta Dowladda.

Dhaawaca Gabadha Wariyaha ah ayaa waxaa ka hadlay Ururada Saxaafada,iyaga oo sheegay in ay tahay wax laga xumaado,waxa ayna laamaha amniga Soomaaliya ka dalbadeen in la sameeyo baaritaan dhab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor