Derbi kusoo dumay Doomo marayey haro Biyood iyo khasaaro ka dhashay

Roobab ka da’ay koonfur Bari dalka Brazil ayaa sababay khasaare dhimasho ka dib markii darbi kusoo dumay doomo marayey haro biyood ku taal goobta lagu magacaabo Lago de Furnas halkaas oo u dhow magaalada Capitolio,

Maamulka magacaabo Lago ayaa xaqiijiyay in daadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay koonfur Bari Brazil ay ku rogmadeen guryo ku yaalla xaafaddo isku raran ah, isla markaana roobka uu derbi kusoo dumiyey Doomo marayey haro biyood.

Afar doomood oo darbigu kusoo dumay ayaa laba ka mid ahi degeen, iyadoo ay ku dhinteen toddobo qof, kuwaas oo saddex ka mid ah maydkooda laga helay dooni uu si toos ah ugu dhacay darbiga soo dumay sida ay xaqiijisay waaxda dab damisku.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor