DEGDEG: Xaaskii hore ee Afduubaha qafaashay Diyaaradda Egypt Air oo ka qeyb galayso Wada-xaajoodka.

Waxaa weli taagan Afduubka Diyaaradaasi oo fadhida Garoonka diyaaradaha ee Larnaca Airport ee Jesiiradda Qubrus.

Afduubaha ayaa la sheegay in lagu magacaabo Ibrahim Samaaxa, ahna Muwaadin haysta Dhalashadda Maraykanka.

Qoyskiisa waxay sheegeen in dhimirka loogu jiro Ibrahim Samaaxa oo ahaa Professor Cilmiga Daawaynta Xoolaha ka dhigi jirey Jaamacadda Alexandaria ee Masar.

Waa Muwaadin haysta Labada Dhalasho ee Masar iyo Maraykanka, waa 50 jir.

Waxa kale oo Qandaraas ka qaatay Jaamacadda Atlanta University ee dalka Maraykanka.

Xaas uu horey u furay Afduubaha oo laguam gaacaabo Marina Parashkou una dhalatay Jesiiradda Qubrus ayaa gacan ka geysanayso wada-xaajoodka lagula jiro Afduubahaasi oo ka socda Garoonka.

Wararka u dambeyey ayaa sheegayo inuusan Afduubaha haysanin waxyaabaha qarxa sida uu horey ugu hanjabay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor