DEGDEG: Uhuru Kenyatta oo la shaaciyey inuu ku guuleystay Madaxtinimadda dalkaasi

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ah ee dhacday bishii hore ee October 26-dii.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Maxkamadda xukmisay inay Sharci ahayd Doorashadii Ku-celiska, oo uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xilka sii hayn doona Shanta sanno ee soo socota.

Guddoomiyaha waxa uu intaasi ku daray inaysan Garsoorayaasha awoodi Karin inay qoraan Xukunka oo dhamaystiran, maadaama ay haysteen 2 maalmood oo keliya..

Wuxuuna sheegay in si naxariis la’aan loo ciqaabi doono  kuwa soo abaabula Colaadaha.

Dhinaca kale, Qareenka  Uhuru Kenyatta oo lagu magacaabo Axmed-naasir C/llaahi ayaa u dabaal degay Xukunkaasi, wuxuuna sheegay inay tahay Waqtiga uu Madaxweyne Kenyatta mar kale qaadi doono Xilka Madaxweynenimadda Kenya ee Shanta sanno ee soo socota.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media