(DEGDEG): Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay duleedka Mandera.

Warbaahinta Madaxa Bannaan ee dalka Kenya waxay duhurnimaddii maanta baahiyeen in 2 ka tirsan Saraakiisha Boliska Kenya la dilay, 2 kalena la dhaawacay, kadib, markii ay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab jidka u galeen gaadiid ay wateen Ciiddankaasi.

Wargeyska The Standard waxa uu qoray inuu Weerarkaasi ka dhacay Jidka isku xira Degmadda Ceel-waaq iyo Deegaanka Lafey ee hoos taga Degmadda Mandera.

Kolonyadda Gaadiidka Boliska Kenya ee la weeraray waxay gelbinayeen Taliye cusub oo loo soo magacaabay Deegaanka Banisa oo ku yaalla duleedka Deegaanka Raxamu.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor