(DEGDEG): Rug-caddaa Saxaafadeed, Cabdi Xaaji Goobdoon oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha U Naxariisto, Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Suxufiyiinta ugu waa weynaa Somalia ayaa xalay ku geriyooday Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalladda Muqdisho.

Marxuumka waxaa la sheegay inuu maalmahan iska xanuunsanaa sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah Ehelkiisa oo inoo xaqiijiyey inuu u geeriyooday xanuun dhinaca neef-mareenka.

Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, waxa lagu xusuustaa isagoo mar ahaa Weriyaha Gaarka ee Madaxweyne Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa kaloo lagu xusuustaa isagoo ka mid ahaa Suxufiyiinta ugu shacbiyadda badan ee Xirfadda u leh Horumarinta Saxaafadda iyo Afka Soomaaliga.

Faahfaahinta Taariikh-nololeedkiisa oo dhamaystiran waa idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

Maamulka iyo Suxufiyiinta Radio Dalsan iyo Websaytka dalsabradio.com waxaan ka wada tacsideynaynaa Geerida ku timid Marxum Cabdi Xaaji Goobdoon.

©Radio Dalsan                            

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor