DEGDEG: Rakaabka Diyaaradda Egypt oo la sii daayey, marka laga reebo 4 qof oo Shisheeye ah.

Shirkadda Egypt Air ayaa goor dhow sheegtay  in wada-xaajood lala galay Afduubayaasha suurto-gelisay in la sii daayo inta badan Rakaabka la socday diyaaradda oo ku sugan Garoonka Larnaca airport ee Jesiiradda Qubrus.

Shirkadda Egypt Air waxay kaloo sheegtay in ay Afduubayaasha weli haystaan 4 qof oo Ajnabi ah iyo dhamaan Shaqaalihii Diyaaradda oo aan weli cadadooda la sheegin.

Dhinaca kale, Wasaaradda Duullimaadka ee Msaar ayaa sheegtay in qof ka mid ah Rakaabka oo isku xiray waxyaabaha qarxa uu cabsi geliyey Duuliyaha Diyaaraddaasi oo nooceedu yahay Airbus A320

Negotiations with the kidnapped result in the release of all the passengers, except the crew and four foreigners.

DIYAARADDA LA AFDUUBTAY

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor