DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay nawaaxiga Guriga Hooyooyinka ee magaalladda Muqdisho.

Ugu yaraan Hal Weriye iyo dhowr Askari ayaa ku dhaawacantay gaari ku qarxay derbiga Maqaaxida The Village ee ka soo horjeeda Dhismaha Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Warar kala duwan ayaana ka soo baxayo Qaraxaasi, iyadoo la sheegay inuu gaarigu ku dhacay Derbiga, wuxuuna qarxay muddo kooban kadib,sida ay sheegeen Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan.

Dareewalkii gaarigaasi ayaa la sheegay inuu ku dhex gubtay qaraxaasi.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegayo in Gaariga qarxay lala maaganaa Kolonyo uu la socday Sarkaal ka tirsan Boliska oo xilligaasi marayey Jidka Tiyaatarka.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka weli wax war ah kama soo saarin gaariga ku qarxay agagaarka Tiyaatarka.

La soco Faahfaahinta ka soo kordha Qaraxaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor