(DEGDEG): NISA oo kala furfurtay gaari miineysan oo la dhigay Xaafadda Taleex ee Degmadda Hodan

Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA ayaa saakayto waxay kala furfureen gaari yar oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigay Xaafadda Taleex ee Degmadda Hodan, gaar ahaan meel ku dhow Xaruntii hore ee Madaxtooyadda ee C/qaasim Salaad Xasan.

Wakaalladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inay Ciiddanka NISA fuliyeen Hawlgalkaasi, kadib, markii ay dadka Deegaanka ku soo wargeliyeen in gaari miineysan la soo dhigay Xaafadda Taleex.

Gaarigaasi ayaa la sheegay inuu yahay nooca raaxadda ee loo yaqaano CARIB, waxaana laga dhex helay 3 qori oo AK 47.

Dhinaca kale, Taliska Boliska Gobalka Banaadir iyo Maamulka Degmadda Hodan ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka warbixiyaan gaariga waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay ee ay Hay’adda NISA ku guuleysteen inay ka furaan qaraxyaddii lagu soo rakibay.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’adda NISA ku guuleystaan inay ka hor tagaan, oo ay kala furfuraan  gawaari miineysan oo lagu dhibatayn lahaa Ummadda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor