DEGDEG: Nin Tooreey watay oo dad ku dooxay dalka Jarmalka.

Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay inuu geeriyooday, dhowr kalena ku dhaawacmeen weerar uu nin ku hubeysnaa mindi uu ku qaaday Rakaab ku sugnaa bar laga raaco Tareenadda oo ku taalla Degmadda Grafing oo ku-dhawaad 32 KM dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda Gobalka Bavarian ee Munich.

Warbaahinta ARD ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay inuu hal qof u geeriyooday dhaawaca, inkastoo aysan Boliska weli xaqiijinin arrintaasi.

Afhayeenad u hadashay Boliska ayaa sheegtay inay baarayaan inuu weerarlaasi ku lug leeyahay Kooxo Islaami ah iyo in kale.

Shilkaasi waxa uu dhacay Waaberigii hore ee saakayto, saacaddu markay ahayd 03:00 GMT.

Afhayeenadda waxay tilmaamtay in la qabtay Nin geystay weerarkaasi, isla markaana ay baarayaan warar ay Goobjoogayaal ku sheegeen inuu markii uu Ninkaasi dadka la dhacayey Tooreyda uu ku dhawaaqayeey Allau Akbar.

Telefishinadda dalkaasi waxay ilaa iyo haatan werinayaan qaabka uu u dhacay dilka iyo dadka uu dhaawacu ka soo gaaray oo la sheegay inay ahaayeen 4 qof, oo ay xaalladooda liidato.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor