DEGDEG: Munaasbadda ay Puntland ku saxiixi lahaayeen Heshiiska Saami-qeybsiga 4.5 oo xayiran.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen inay Maamulka Puntland ka caga-jiidayaan inay saxiixaan Heshiiskan, iyadoo Ergooyinka Beesha Caalamka ku wada sugan yihiin Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Garowe.

Ilo ku dhowdhow Maamulka Puntland ayaa  sheegay inay ka xumaadeen Hambalyadda Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan Heshiiskaasi, waxayna sheegeen inuu Madaxweynaha ka hordhacay Hambalyadda oo ku soo beegantay iyadoo aysan Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” weli wada saxiixin Heshiiskaasi.

Maamulka Puntland waxay dood adag ka muujiyeen hadalka Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeynayey Puntland saxiixa Heshiiskaasi, waxayna Ergadda Caalamka ku mashquulsan yihiin sidii ay Madaxda Puntland uga qancin lahaayeen inaysan Hambalyadda Madaxweyne Xasan wax caqabad ah ku ahayn Saxiixa Heshiiska la wada sugayo.

Wakiilladda Beesha Caalamiga waxaa kaloo la sheegay inay diidan yihiin inay iyagu Heshiiska ku saxiixaan goobjoog ahaan.

Waxaana laga cabsi qabaa inay Beesha Caalamka  ka ambabaxaan magaalladda Garowe,  iyagoo aan goobjoog ka noqonin Heshiiska ay Puntland ku oggolaadeen Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 in lagu dabaqo Doorashadda soo socota.

Gawaarida Beesha Caalamka keentay Madaxtooyaadda Garowe ayaa diyaar laga dhigay, waxaana lagu wadaa inay Wafdiga u gelbiyaan Garoonka Diyaaradaha si ay uga dhoofaan inta uusan gabalku ku dhicin.

Wixii ku soo kordha Warkaasi waa idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

BC GAROWE1

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor