DEGDEG: Labo qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Kaaraan

Labo Haween ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen qarax goor dhow ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Xergo-dheere ee Degmadda Kaaraan ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay inuu qaraxu ka dhacay gudaha Maqaaxi ku taalla Suuqaasi oo la sheegay inay inta badan wax ka cunaan Ciiddanka Dowladda Hoose ee Canshuurta ka ururiya Suuqaasi oo lagu iibiyo Xoolaha nool, sida ariga, idaha, lo’da iyo geela.

Maamulka Degmadda Kaaraan weli wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.

Dhinaca kale, Dab xooggan ayaa waxa uu saakayto ka kacay Suuqa Buulo-xuubeey ee Degmadda Wadajir, wuxuuna baabi’iyey dhowr Dukaan.

Dab-damiska Gobalka Banaadir ayaa ka qeyb galay Hawlaha lagu daminayey  dabkaasi oo la sheegay inuu ka dhashay cillad dhiunaca Korantada.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor