DEGDEG: Ilka-xanaf oo wada-hadal ku jira iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Gobalka Banaadir oo oggolaatay xil-ka-qaadista.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inuu Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka ee xilka laga qaaday, Avoocate Caydiid C/llaahi Ila-xanaf wada-hadal kula jiro xubno ka tirsan Dowladda Federalka, si uu u soo wareejiyo Gaadiidka uu ku hawl-jirey iyo Ciiddanka Ilaaladda u ahaa.

Ilka-xanaf oo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka hayey muddo 11-sanno ah waxa uu beeniyey inuu ka dambeeyo Xildhibaanadda isaga u doodaya ee Buuqa  ka dhex dhaliyey Barlamaanka.

Sidoo kale, waxa uu codsaday inaan laga xaniban Safarka, isla markaana uu diyaar u yahay inuu soo bandhigo shuruudo isaga u gaar ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii Maxkamadda Gobalka Banaadir, ayaa isagana sheegay inuu raalli ka yahay xilka uu Madaxweynuhu ka qaaday, wuxuuna sheegay inuu Hawlaha Maxkamadda ku soo dhex jiray muddo 36 sanno ah.

Shalay ayey ahayd, markii uu Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somalia xil-ka-qaadis ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Gobalka Banadir, kadib, ay Dadweynaha cabashooyin badan ka keeneen Nidaamka Garsoorka ee Maxkamadaha.

Madaxweynaha waxa uu xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka u magacaabay Dr. Ibraahim Iidle C/raxmaan oo horey u ahaan jiray Garyaqaanka Guud ee Maamulka Somaliland.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor