(MUUQAAL): Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo lagu casuumay Aqalka Cad iyo Dukumenti ay kala saxiixdeen Donald Trump.

Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo Kulan Taariikhi ah ku yeeshay Singapore ayaa la sheegay inay kala saxiixdeen Heshiiska Dukumentigii ugu dambeeyey, kaasi oo lagu tilmaamay mid dhamaystiran oo muhiim ah.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay inay kala saxiixdeen Heshiis qurux badan oo dhamaystiran, balse ma uusan faahfaahin Nuxurka Heshiiskaasi.

Waxa uu xusay in dib loo sheegi doono faahfaahinta Dukumentigaasi

Kim Jong Un waxa uu Kulankii uu Domald Trump la yeeshay ku tilmaamay mid Taariikhi ah, wuxuuna xaqiijiyey inay Donald Trump  isku raaceen inay xiraan Bogga xilligii hore kala gaaray.

Kadib, Heshiiska Dukumentigaasi, waxa uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono Nukliyeer-ka-dhigista Waqooyiga Kuurya (Nuclear disarmament) waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dhisi doono Xiriir aad u Khaas ah  oo uu la yeesho Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay inay mar kale wada kulmi doonaan dhigiisa Waqooyiga Kuurya iyo inuu ku casuumi doono inuu booqasho ku yimaado Aqalka Cad ee magaalladda Washington.

Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu dhigiisa Waqooyiga Kuurya uu ka bartay inuu yahay Nin Awood iyo Tayo leh (A talent man), isla markaana aad u jecel dalkiisa. waa sida uu hadalka u dhigay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu hadalka Trump u muuqdo mid Beer-laxawsi siyaasadeed oo xilligeeda taagan, oo uu doonayo inuu ku soo xero geliyo Kim Jong Un si uu u oggolaado Qorshaha Nukliyeer-ka-dhigista.

Kulankooda oo ahaa kii ugu horreeeyey waxay iyaga iyo Gacan-yarayaashodoa duhurnimadda maanta ee Xilliga dalka Singapore ku wada qadeeyeen  Hilib feer Lo’eed oo la shiilay, Macmacaan iyo Hilib Doofaar, sida uu qoray Wargeyska Chicago Tribune

WQ: Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media