(DEGDEG): Galmudug iyo Puntland oo ku dagaalamayo Gaalkacayo

Wararka naga soo gaarayo magaalladda kala-qeybsan ee Gaalkacayo ayaa waxay sheegayaan inuu saakayto dagaal ka dhex qarxa Ciiddamadda Maamulladda Puntland iyo Galmudug ee ku wada sugan Gaalkacayo.

Abaarihii 07:30 daqiiqo ayuu dagaalku bilowday, kadib, markii ay Ciiddamo ka socday Puntland isku dayeen in la bilaabo Waddo maraysa xuduudka kala qeybiya Galakacayo.

Dagaalka ayaa waxa uu ku socdaa si xawli ah, waxaana la wada xiray Goobihii Ganacsiga iyo Waxbarashadda, waxaana istaagay Gaadiidkii isaga kala gooshi jirey labada dhinac.

Dadka rayidka ayaa bilaabay inay ka barakacaan Xaafadaha ku hareeraysan halka lagu dagalaamayo.

Weriyeheenna, Xuseen Xaddaani ayaa soo sheegay in  Labada Maamul ciiddamo fara badan soo dhoobeen halka lagu dagaalamay.

Ma jiraan wax xiriir ah oo Labada Maamul kaga tashanayaan sidii lagu qaboojin lahaa Dagaalka ka qarxay Galakacayo.

Wixii Warar ee ku soo kordha kala soco Radio Dalsan

DAGAAL GAALKACAYO 2 DAGAAL GAALKACAYO 3 Dagaal gaalkacayo

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor