DEGDEG: Dhowr qof oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Jamaacad ku taalla Kenya

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Kambaska Jaaamacadda Farsamada (The Technical University of Mombasa) oo ku taalla Deegaanka Xeebta leh ee Kwale.

Boliska iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 2 haween oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda, iyadoo 2 Askari, Dareewal iyo dhowr Arday ku dhaawacmeen Weerarkaasi.

Goobjooge codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka REUTERS inay iyada iyo dhor arday ku baxsadeen Baskii ay la socdeen, kadib, markii dabley hubeysan tacshiirad ku fureen Kambaska Jamaacadda.

Waxay kaloo sheegtay inay aragtay Arday dhiig ka qulqulayey oo laga soo bixinayo Dhismahaasi, xilli ay Boliska galayeen Kambaska.

Dhinaca kale, Saraakiisha Boliska ayaa sheegay inaysan kala caddayn haddii ay kooxaha weerarka geystay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo in kale. Dagalaamayaasha Alshabaab waxay horey weeraro uga geysteen gudaha Kenya, gaar ahaan Degmooyinka ku teedsan dhulka xuduudka

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenya waxay shalay sheegteen inay 6 Dagaalyahan o oka tirsan Alshabaab ku dileen Hawlgal ay ka fuliyeen dhulka kaymaha Booni..

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo waxa uu Saxaafadda u sheegay inay Hawlgalkaasi ku qabsadeen 6 qoryaha AK 37, 3 bam gacmeed iyo 321 xabbo oo rasaas ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xigasho: REUTERS

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media