DEGDEG: Bartii Twitterka ee Telefishanka Aljazeera oo hawada laga saaray

Waxaa gebi ahaan la joojiyay bartii Telefishanka Aljazeera ku lahayd barta warbaahinta bulshada ee Twitterka.

Bartan oo cinwaankeedu ahaa @AJArabic, ayaa lahay malaayiin ku xiran, lamana shaacin sababta loo xayiray.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka adeegsada baraha bulshada, waxaana warkii ugu horeeyay ee ka soo yeeray agaasimaha guud ee Al-Jazeera Yasir Abuu Hilaala oo caddeeyay in la joojiyay bogga Twitterka rasmiga Al-Jazeera ugu weynaa iyadoo ay shaqeynayaa bogagga yaryar oo la xiriira.

Dadka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay ka dambeyso weerar lagu hayo Bogga Twitter-ka, taasoo keentay inuu hawada ka baxo bogga rasmiga ah ee Aljazeera Arabic.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media