Afduubaha Diyaaradda Egypt Air oo codsaday in la sii daayo Haweenka Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda Masar

Iyadoo haatan Wada-xaajood adag lagula jiro Afduubaha Diyaaradda Egypt Air ee fadhida Garoonka  Larnaka Airport ee Jesiiradda Qubrus waxa uu codsaday in la sii daayo Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda Masar.

Idaacadda Dowladda Qubrus ayaa baahisay codsiga Afduubaha oo lagu magacaabo Ibrahim Samaha.

Wasiirka Duullimaadka Diyaaradaha ee Masar, Shariif Fatxi oo goor dhow shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Qaahira ayaa sheegay in 3 ka mid ah dadka lagu dhex haysto Diyaaradda ay Shisheeye yihiin.

Madaxweynaha Jesiiradda Qubrus, Nicos Anastasiades ayaa sheegay inuusan shilkaasi wax lug ah kul ahayn Argagixiso ee uu yahay fal shaqsiyadaeed.

Dhinaca kale, Warbaahinta Dowladda Qubrus ayaa sheegtay inuu Afduubaha codsaday inuu la kulmo Xaaskiisa hore oo lagu magacaabo Marina Parashkou, taasi oo deggan Jesiiradda Qubrus.

Haweenyadaasi ayaa haatan qeyb ka ah Wada-xaajood lala leeyahay Afduubaha oo ah Professor haysta dhalashadda Masar iyo Maraykanka.

AIRBUS A320 EGYPT AIR

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor