DEG DEG:Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Goordhow ka dhacay deegaanka Mooyaale

War goor dhow nagasoo gaaray deegaanka Mooyaale ee kuyaala xadka ay wadaagaan Dalalka Kenya, Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegayaa in qarax xoogan uu ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay boosteejada basaska laga raaco ee deegaanka Mooyaale.

Ugu 3 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada waxana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux oo kale, kuwaas oo qaarkood ay xaaladdooda liitado isla markaana loola cararay goobaha caamaadka.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay xilli goobta basaska laga raaco ay ahayd mid aad u mashquul ah isla markaana ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media