Goordhow ayaa waxaa weerar qarax ku bilaawday lagu qaaday maqaaxi ku taalla degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir maqaaxidaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Posh Treats waxa ayna ka Soo horjeedaa Pizza house oo ku dhow Isgoyska Banaadir.
Qaraxaan ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana la soo sheegaya in intaas ka dib ay Maqaaxida Gudaha u galeen rag hubeysan oo weli ku dhex jira Gudaha Maqaaxida,waxana Goobta ku sii qul qulaya Gawaarida ambalaasta.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray ku waas oo dadka u diidaya in ay Goobta galaan.
Wixii kus oo kordha kala socda radiodalsan.com