DEG DEG:Masuul ka tirsan Maamulka D/Deeyniile oo Caawa iskuday dil ka badbaaday

War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in qarax lala eegtay Masuul ka tirsan maamulka degmada deeyniile ee Gobolkaan Banaadir.

Qaraxaan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaaalda muqdisho,waxana la sheegay in lala damacsanaa Gaari uu watay Masuul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir kaas oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cusmaan Wehliye.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaas lala eegtay masuulka ka tirsan Maamulka degmada deeyniile ay ku geeriyoodeen dad Shacab ah oo marayay Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Wixii ku soo kordha kala socda

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media