DEG DEG:Madaxweynaha oo furay SHIRKA WADA-TAGSHIGA DOORASHOOYINKA 2016-KA oo ka soconaya VILLA SOMALIYA

Iyadoo Maanta ay Muqdisho soo Gaareen Xubno ka mid ah Madaxda Maamul-goboleedyada dalka ayaa waxaa uga furmay gellinkii dambe ee Maanta Xarunta Madaxtooyada Somalia shirka Wada-tagshiga Doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali iyo Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] ayaa Maanta soo Gaaray Muqdisho; iyagoo ka Qayb-galaya Shirka ka furmay Madaxtooyada Somalia.

 

Inkastoo Xukuumadda Somalia ay shaacisay in Shirkan Wada-tashiga ah uu Furmi doono Axadda Berri ah ayaa haddana waxaan la ogeyn sababta maanta uu shirkan si hordhac ah uga Furmay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud Villa Somalia; iyadoo aysan weli shirkan kasoo wax War ah oo ku saabsan Qodobbadii looga hadlay.

Sidoo kale, Shirka ka Furmay Gellinkii dambe ee Maanta Villa Somalia ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa xubno ka socda Beesha Calaamka, waxaana shirkan furitaankiisu uu ahaa mid ay Albaabbadu u xirnaayeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uusan imaan Muqdisho wuxuu Gaalkacyo ka sheegay inaysan jirin wax iska bedelay Mowqifkeedii Doorasho ka dhacda dalka Somalia 2016-ka oo ay Puntland Aaminsanayd.

Golayaasha Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inaysan Soomaaliya ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah Sannadka 2016-ka, Laakiin ay Dowladda FS iyo maamul-goboleedyadu ka tashan doonaan Doorashada dhacaysa sannadka soo socda.

Ugu dambeyn, Shirka Wadatashiga doorashooyin dalka ka dhaca 2016-ka ayaa looga hadli doonaa Qodobbo ay ka mid yihiin; Nooca ay noqon doonto Doorashada Dalka ka dhacaysa 2016-ka iyo Arrimo kale oo la Xiriira Hiigsiga Soomaaliya ee Sannadka 2016-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor