DEG DEG:Kulan Xasaasi ah oo Jowhar uga socda Madaxweyne Cosoble iyo Xildhibaanada

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Caawa ka socda kulamo Gooni gooni ah oo ay leeyihiin Madaxweynaha Maamulkaas Cali Cabdullaahi(Cosoble) iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas.

Kulamada ayaa waxaa looga arinsanayaa sidii xal looga gaari lahaa arinta ku aadan xildhibaanada qaarkood oo dhaliilsan Shaqada Madaxweyne Cosoble iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cismaan Bare Maxamed.

Xildhibaanada qaarkood ayaa aaminsan in Sagaalkii Bilood ee la soo dhaafay aysan waxba qaban Madaxdqa Sare ee Maamulka hir-Shabeelle in kastoo ay jiraan xildhibaano taagersan Siyaasada Madaxda hir-Shabeelle.

Wararka ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegaayn in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka hir-Shabeelle ay ka go’an tahay in ay mooshin ka gudbiyaan Madaxweyne Cali Cabdullahi (Cosoble)balse isagu uu doonayo in uu kala furfuro.

Mid ka mid ah Xildhibaanada oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay mooshinkas in ay ka gudbiyaan balse uu weli caqabad ku yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka hir-Shabeelle oo diidan mooshinkaas taas oo keentay in maalma ka hor ay Shaqa joojin ku sameeyaan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media