Deg Deg:Gudoomiyeyaasha Hodan iyo Dharkenley oo Xilalkii Laga Qaaday

Warar xaqiiq ah oo ay Heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Xilalkii laga qaaday Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Hodan iyo Dharkenley Ee Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiyihii Degmadda Hodan Cabduqadir Cali Kulane ayaa lagu badalay Gabar Wariye hore u ahayd oo lagu Magacaabo Xaawo Kiin Maxamuud Cali oo imminka noqoneysa Gudoomiyaha Cusub Ee Degmadda Hodan.

Sido kale Gudoomiyihii Hore Ee Dharkenley Adan Maxamed Cumar ayaa isagana lagu badalay Cumar Meyre Macow oo Noqonaya Gudoomiyaha Cusub Ee Degmadda Dharkenley.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor