DEG DEG:Ciidamada xasilinta ammiga Muqdisho oo qabtay hub iyo ragii watay

War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamada xasilinta amniga muqdisho ay goordhow qeybo kamid ah degmada waaberi ku qabteen hub iyo ragii watay.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka wadeen degmada Waaberi waxa ay  mid kamid ah guryaha ku yaalla degmadaas ka soo qabteen 2 Nin iyo  qoryo ay wateen oo ah nooca AK47,kuwaas oo hada xabsiga loo taxaabay.

Ciidamad ayaa weli howlgalka wada,waxana jirta in Wadooyinka muqdisho dhamaan lagu arkayo ciidamada islamarkaana aysn ogoleyn cid hub ku dhex wadan karta Gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamad ayaa horay wax ay qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkenley iyo Shangaani ka soo qabteen hub iyo waliba tuutaha Ciidanka.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media