Xildhibaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland halkaasi lagu dilay.

Xildhibaanka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Macalin Daahir ayaa la sheegay in lagu dilay banaanka Hotel uu leeyahay ee Clasic ee Waqooyiga Magalada gaalkacyo.

Xildhibaan ayaa markii hore goobjoogayaal waxa ay sheegeen in  dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Gaalkacyo,balse uu geeriyooday.

Sidoo kale rasaastii lagu riday xildhibaanka ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada Hotelka.

Wararkii u dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay gaareen halkii uu dilka ka dhacay,isla markaana ay howlgallo ka wadaan.