DEG DEG:-Xildhibaan Caawa lagu dilay Gudaha Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta  Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dilay Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Kooxo Hubeysan ayaa xildhibaanka oo lagu Magacaabi jiray C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-faras) ku dishay Xaafada Calaley ee Magalada Kismaayo sida ay Dalsan u sheegeen dadka degaanka qaarkood.

Kooxdii ka dambeysay dilka Xildhibaanka ayaa goobta ka baxsatay, waxana hadda baaritaano ka wada Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Goordhow la socda faah faahinta Warkaan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media