Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris.
Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya.
Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye,kuwaas oo lags oo doortay deegaanada Maamulka Galmuudg.
Weli lama oga waxa ka dhabta ah labada Xildhibaan kiiskaas lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay.
Marka laga soo tago hadalka xeer ilaaliyaha ayaa waxaa jira xildhibaano mucaarad ku ah dowladda hada jirta,kuwaas oo qaarkood horay u sheegay in ay mooshin ka wadaan Madaxda ugu sareysa dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo dhameystiran.