DEG DEG:-Xaflada Caleema-Saarka Madaxweyne Waare oo bilaabatay iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sugan

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goordhow gaaray Magaalada jowhar si uu uga qeybgalo Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweyne waare qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo ka sii horeeyay iyo Siyaasiyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Wasiirka Waxbarashada Wasiir ku xigeeno iyo tiro Xildhibaano ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa haatan ku sugan howlka ay Munasbada ka dhaceyso ee Madaxtooyada Hir-Shabeelle, waxana sidoo kale ku sugan dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo Siyaasad ahan ay isku khilaafsan yihiin.

Munaasabada ayaa hadda bilaabtay iyada oo goordhow ay bialaban doonaan Khudbadaha madaxda kala dwuan ee ka qeyb galeysa Munaasabada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media