DEG DEG:-Weerar Caawa ka dhacay degmada Afgooye

Wararka aan Caawa ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Gudaha degmadaasi uu ka dhacay dagaal.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii Ciidamo sida la sheegay is tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisin ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Buundada yar ee degmadaas.

Dadka ku nool degmada Afgooye qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in Buundada laga soo weerary dhanka Beeraha intaas kadibna uu bilaawday dagaal waqti yar socday.

Ilaa iyo hadda lama shaacin karo khasaaraha ka dhashay weerarkaas maadaama ay tahay xili habeen ah,waxaana hadda socda dhaq dhaqaaq ay wadaan Ciidamada dowladda.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media