DEG DEG:-Wasiiru dowlaha Dekadaha Puntland oo Goordhow la dhaawacay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay Wasiiru Dowlaha Dekadaha Maamulka Puntland Axmed Siciid Cabdi.

Wasiiru dowlaha ayaa la sheegay in rasaas lagu furay Gaari uu la socday xili uu marayay Wado mashquul badan oo ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka dhaawacay Wasiiru dowlaha uu muran dhexmaray sidaasna uu rasaas ugu furay,waxana la sheegay in durbadiiba Gacanta lagu dhigay.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media