DEG DEG: Wasiir Burci Maxamed Xamza oo ku geeriyooday weerarkii Hotel Naasa Hablood 1

Wasiiru Dowlihii Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ee Arimaha Bay’adda Burci Maxamed Xamza ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa dadkii shaalay ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday hotel-ka Naasa Hablood 1.

Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray tacsi uu u dirayo ehelada Burci Maxamed Xamze oo ku dhintay weerarkii xalay.

Wasiiru Dowlihii Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ee Arimaha Bay’adda Burci Maxamed Xamza ayaa la sheegay in uu kusoo dumay qolkii uu ka daganaa hotel-ka la weeraray.

Al shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii lala beegsaday hotel-ka Naasa Hablood 1 ee ku yaala isgoyska km4 ee magaaladda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor