DEG DEG:-Wariye ku geeriyooday qarax loogu xiray Gaarigiisa Muqdisho

Gabaldhicii Maanta ayaa waxa uu qarax Gaari ka dhacay mid ka mid ah Xaafadaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir qaraxaas oo la sheegayo in uu ku geeriyooday mid ka mid ah Wariyayaasha Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Xaafada lagu Magacaabo Kawaanka Malaayga ee degmada Wadajir,waxaana la sheegay in uu watay Gaariga qarxay Wariye ka tirsanaa Tv-ga Kalsan Xarunta Muqdisho oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Ibaarhim.

Qaraxaan ayaa waxa siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha degmada Wadajir,iyada oo Warar kala duwn ay ka soo baxayaan qaraxaas.

Wariyahaan ayaa ka mid ahaa Wariyayaasha Tv-ga Kalsan gaar ahaan War Akhriyaasha Tv-gaas,balse lama sheegin cid kale oo qaraxaas wax ku noqotay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media