DEG DEG: Ugu yaraan seddex madfac ayaa ku dhacday Degmada Waaberi

Ugu yaraan seddex madfac ayaa la soo sheegaya iney ku dhacen degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho,rasaas xoogan ayaa sido kale laga maqlay halkasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaafiicda ay geysten khasaare xoogan waxa la xaqiijiyay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 13 kale.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay gaari ay sheegen in uu saarnaa qori nooca hoobiyaha ah .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor