DEG DEG:-Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Nugaal oo ka jawaabay Xilka qaadis lagu sameeyay

Taliyihii qeybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare, Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen, ayaa kasoo horjeestay wareegto xilkii looga qaaday laguna magacaabay taliye cusub.

Gaashaanle Sare, Cabdirashiid, oo goor dhowayd la hadlay warbaahinta, ayaa ku goodiyay inuusan taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland xilka ka qaadi karin, isagoo sheegay inay labo korneel oo siman wada yihiin.

Wuxuu sheegay inuusan dhaq jalaq usiindoonin go’aanka kasoo baxay islamarkaana uu shaqadiisa sii weyn doono sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu  sheegay inay joogto cidii isaga xilkaan u magacowday kana qaadi karta.

Goordhow la socda Codka Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media