DEG DEG:-Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Galmudug oo qaadacay xilka qaadistii lagu sameeyay

Maamulka ka hor Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku maqnaa dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa waxa uu sheegay in uu xilkii kaga qaaday taliyihii ciidanka Nabad-Sugida Galmudug.

Cali Cilmi Yuusuf  (Ilkacase) taliyihii ciidanka Nabad-Sugida Galmudug oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa qaadacay xilka qaadistaas waxa uuna sheegay in marnaba Madaxweyne Xaaf uusan xilkaasi ka qaadi karin.

In kastoo uu diiday in uu wareysi bixiyo balse waxa uu cadeeyay taliye Ilkcase in uu isagu yahay taliyaha ciidanka Nabad-Sugida Galmudug isla markaana uu weli howshiisii uu wato.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo safar ugu maaqnaa Imaaradka waqtigii uu xilka ka qaadayay taliye Ilkacase ayaa haatan ku sugan Cadaado isaga oo hory laamaha amniga ku wargeliyay in ay howlshooda dhanka amniga ah sii wataan inta uu ka soo Magacaabayo taliye Cusub