DEG DEG:-Taliye Nabad-Sugid oo lagu dhaawacay Dharkenley

War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in degmada Dharkenley qeybo ka mid ah lagu weeraray Gaari uu watay taliyaha Nabad-Sugida degmada Kaxda.

Taliyaha ayaa xiliga la weeraray dad goobjoogayaal ah wax ay Dalsan u sheegeen in uu marayay Xaafada Xoosh, isla markaana koox wadatay gaari NOAH , ah ay rasaas ku fureen gaarigiisa.

Sidoo kale Goobjoogaha ah ayaa sheegay in rasaastaas ay ku dhaawacmeen taliyaha Nabad-Sugida degmada Kaxda oo Magaciisa lagu soo koobay Qooley iyo laba ka mid ah ilaaladiisa.

Kooxdii wax rasaaseysay ee Gaariga wadatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxana hadda Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Dharkenley.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media