DEG DEG:-Taliyayaasha Nabad-Sugida iyo Booliska oo la Magacaabay

Shir Deg deg ah oo ay Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansixiyeen Magacaabista Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-Sugida iyo Asluubta Soomaaliya.

Xilalkaan labada taliye oo banaanaa mudo Saddex Bilood ah ayaa ugu dambeyn Maanta la Magacaabay halka Taliyaha Asluubta dib loogu soo celiyay taliyihii hore oo xilkas horay u soo qabtay

Taliyaha Nabad-Sugida ayaa waxaa loo Magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka  halka Taliyaha Booliska loo Magacaabay Bashiir Axmed Maxamed,Sidoo kale taliyaha Asluubta ayaa waxaa loo Magacaabay Sareeye guuto Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay u ahaa lataliyaha dhanka ciidamada ee Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media