Soomaaliland oo siideysay Boqor Buur Madoow

Maamulka soomaaliland ayaa goordhow Xabsiga kasii daayey Boqor Cismaan Buur Madow oo ka mid ah Salaadiinta Soomaaliland balse dhawaan Xukun lagu riday.

Boqor Buur Madow ayaa waxaa la sheegay in lagu sii daayey Cafis uu u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kadib xukunkiisa ayaa waxaa Boqor Buurmadoow uu xirnaa mudo dhowr Bilood ah,waxana Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee soomaaliland ay ku riday xukun saddex Sano ah basle Maanta ugu dambeyn lasiidaayey.

Soomaaliland ayaa Boqor Buurmadow waxa ay ku eedeysay in uu xafladii lagu caleemo saarayay Beeldaajiye Maxamed Beeldaajiye oo ka mid ah Salaadiinta Puntland ee ka dhacday Magalada Carmo ee G/Bari uu ka sheegay hadalo dhibaato ku ah qaranimada Soomaaliland sida ay hadalka u dhigeyn.

Siideynta Boqor Cismaan Buurmadow ayaa ku soo aadeysa xilli la filayao in Madaxweyne muuse biixi Cabdi uu dhawaan safar ugu baxo deegaanada Bari ee Maamulkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor