DEG DEG:-Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo Goordhow ka hadlay safarada laga mamnuucay

Shir Jaraa’id uu goordhow Warbaahinta ugu qabtay Xarunta Xisbiga Wadajir ayaa waxa uu ka soo horjeestay Go’aanka Maxkamada Racfaanka gobolka banaadir uga mamnuucday in uu dalka ka dhoofo.

Waxa uu shegay in dhibaatooyin horay loogu geystay weli lala daba joogo isla markaana ay masuul ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka sid Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in go’aanka Maanta Maxkamada Racfaanka ay ku burisay Go’aankii Maxkamada Gobolka Banaadir uu yahay mid Siyaasadeysan isla markaana laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu shegay in Garoorka dalka uu iska indho tiray dhibaatadii loo geystay ee lagu laayay 5 ka mid ah ilaaladiisa oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Goordhow  la socda Shirka Jaraa’id.